Hooyo Kansar qabta oo adiga kuu baahan

Hooyo Salaado Maxamuud Axmed (Salaado Carrabey) waxey ku nooshahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia.

Waxaa soo ritay xanuunka kansarka oo labadii sano ee u dambeeyey ay la daalaa dhaceysay waxaana xaaladeeda wax ka qaban waayay dhaqaatiirta dalka.
Ehelkeeda ayaa Calan Qaran u sheegay inaysan awoodin in dalka dibaddiisa ay u qaadaan, waxayna Soomaalida ka codsadeen in la garab istaago.
Waxay heysataa 7-carruur agoon ah, ilmaha adeerkood oo dumaalay isaguna waa garab rarato mana awoodo wax ka badan nolol maalmeedka.
Walaal hadii aadan awoodin inaad lacag ugu dirto telefoonkeeda fadlan haka bakheylin inaad share gareyso si’ walaalaha kale ee Soomaaliyeed u caawiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*