Koobka Fedraalka “Ammaan iyo dhaliil”

Si kastoo bilowgii Tartanka Maamul Goboleed yada ay dadku si weyn ugu ku kala aragti duwanaayeen gaar ahaan qaabka loo soo agaasimay. ayna abuur meen Doodo iyo Fikrado is mud mudaya. Hadana waxaa la oran karaa Tartankani waxa uu kulan saday Amaan iyo Dhaliil is barkan.

= AMAAN:-
■ Sida muuqata mudadii gaabneyd ee uu socday Tartanka Maamul Goboleedyadu waxa uu Xiisad iyo shaqaba u abuuray Ciyaar yahano, Tababarayaal, Garsoorayaal, Maamulo Sport. Warbaahin, Ganacsato. Madax iyo Ciidamo fara badan oo 7-àad kii la soo dhaafay si weyn ugu mashquul Sanaa Tartanka.
■ Dhanka kale waxa uu bulsha badan u abuuray dhaqaale maadaama Garoonka lagu soo galayay Lacag ,Isla markaana ay taageerayaashu Iibsanayeen waxy yaabaha Garoonka lagu dhex iibiyo iyo Calamada hadba kooxda ay taageerayaan. Si taa la mid ahna waxa uu Madadaalo u sameeyay dhalinyaro Wiilal iyo Gabadhaba lahaa oo galab kasta Garoonka iska xaadirin jiray.

■ Kuma koobneyn Dal joogta oo kaliya inta ku heystay Tartankan Madadaalada ee waxaa jiray dad fara badan oo Qurba Joog ah oo iyaguna si toos ah dhan kooda ugu madadaa lanayay Kulamada Tartankan iyagoo kala socday aaladaha Casriga ah ee Bulshada Sida #Facebooka lana oran karo waxa ay kaga nasteen Siyaasadii ay dabada hayeen.
■ Sidoo kale Tartankani waxa uu noqday kii ugu horeeyay ee ay soo xaadiraan Madaxda Dalka ugu sareysa Wasiiro. Safiiro. iyo Masuuliyiin kale kuwaasoo gacan tooda ku bixiyay Abaal marinada Tartanka.
■ Ugu dambeyn waxaa Alle mahadii ah in lagu guuleystay in si Nabad ah loo soo afmeero Tartanka Maamul Goboleedyada ,taana waxaa amaanteeda iska leh Ciidamadii sida foojigan howshaa u qabtay.

= DHALIIL :-

● Dad badani waxa ay qabaan dhaliisha ah in Tartan kani uu yahay mid dhiiri galinaya nidaamka Federaalka oo ah mid ay iminka Soomaalidu u fahamsan tahay In Qabiil walba Maamul Sameysto.
● Dad kalena waxa ay ku doodayaan in ay haboonaan laheyd in Ciyaarihii Gobolada Dalka ee Xiisaha lahaa aan lagu badalin Tartankan Maamul Goboleedyada ee iminka la qabtay.sidaa daraadeedna dib loo soo celiyo Tartamadii hore ee Gobolada oo lagu xasuusto is dhex gal Bulsho, halka kani uu sii xoojinayo Qabiilka. .
● Baraha Bulshada waxa uu Tartankani dib uga soo nooleeyay Qabiilka. Iyadoo àad arkeyso dad badan oo qoraya waxaa galabta dheelaya Qabiil X iyo Qabiil Y. Si taa la mid ahna halkii awal Ciyaaraha lagu taageeri jiray Deegaan waxaa hada ka muuqatay in Qabiil la isku taageerayay.
● Marka laga soo tago Ilaalada gaarka ah ee u xil saarnaa Amniga Garoonka, waxaa ay Ishu qabaneysay Madax iyo Saraakiil wata Hub iyo ilaalo oo dhex mushaaxaya Gudaha Garoonka .Taasoo laga maarmi karay ama si kale loo maareyn karay.
● Warbaahinta oo ku jah wareertay Tabinta Ciyaarahaan oo aanuu jirin markii horeba magac loogu wan qalay oo la isla ogaa,. Taasina ay sababtay in mar loogu yeerayay Ciyaaraha Gobolada Dalka. Mar kale loogu yeerayay Ciyaaraha Maamul Goboleed yada Dalka. Marna àad maqleyso iyadoo la leeyahay Ciyaaraha Maamulada Federaalka Dalka. .

Si kastaba. Waxaa la oran karaa Tartankani waxa uu ahaa mid bilow wanaagsan ah oo xiisihiisa watay, Balse waxaa ka sii haboon in Xiriirka K/Cagta iyo Wasaaradda Sportiguba wixii hada ka dambeeya ka fikiraan sidii dib loogu soo nooleyn lahaa Tartankii Ciyaaraha Gobolada Dalka oo runtii ahaa Tartan ka Miisaan iyo Maamuus wanaagsanaa Tartamada Dalka oo Dhan.i Soona saari jiray Ciyaar yahano muhiim ah oo laga yaabo in aaney Tartankan Maamul Goboleedyada ka heli karin fursad…Ogoowse Qiimeynta Duruuftu waa lama huraan. !!

= Dhamaad /=
Mahadsanidiin

Abdulkadir Dulyar
Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*