Koobka Fedraalka oo Muqdisho ka socda (Benadir 5-0 K/G)

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia waxaa ka billowday tartan aad u xiisa badan oo loo qabtay kooxo matalaya maamul goboleedyada ka jira dalka Somalia.

Koobkan loogu magac daray Koobka Fedraalka ayaa waxaa ka soo qeyb galaya naadiyo kala matalaya Koofur Galbeed, Puntland, Jubbaland, Gal-mudug State, Sh/dhexe/Hiiraan iyo gobolka Benaadir oo marti galiyay.

Furitaanka koobkan waxaa ka qeyb galay M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo laaday kubaddii lagu furay ciyaarta oo ay isku arkeen Koofur Galbeed iyo Benaadir, waxaana 5-0 ku adkaaday xulka matalayay gobolka Benaadir.

Group A waxaa ku wada jira Benaadir oo hogaanka haya, Koofur Galbeed iyo Puntland, Halka Group B ay ku wada jiraan Galmudug, Jubbaland iyo Sh/dhexe/Hiiraan.

Koobka Fedraalka ayaa fursad cusub oo Is dhex gal abuuri kara, laakiin waaya aragga ciyaaraha kubadda cagta ayaa aad u dhaliilay sababtoo ah dastuurka Somalia waxaa ku qoran in Fedraalku ku kooban yahay siyaasadda ee arrimaha bulshada uusan quseyn.

1-1-620x413 2-2-620x413 3-3-620x413 4-1-620x413 5-1-620x413 6-620x413 7-620x413 8-620x413

Waxaa dadka qaarkood is weydiinayaan maxaa diidaya in 18-ka gobo lee Somalia loo qabto tartanka? sidii Garawe ka dhacday sanadkii 2011.

Shakra Hussein, Calan Qaran

Ku Ciil bax Codkaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*