Maxamed C/llahi wuxuu tan iyo 2014 saaran yahay sariir..!

Maxamed C/llahi Muxumed waa wiil Soomaliyeed oo tan iyo 2014 ku dhibaateysan magaalada Muqdisho kadib dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu furay gaadhi uu saarnaa xilli uu ku sii jeeday hooyadiis oo ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wareysi Calan Qaran uu siiyay ayuu Maxamed kaga warramay dhibaatada gaartay, iyo 4-qalliin uu seddex ka mid ah ku galay cisbitaalka Madiina iyo qalliinkii u dambeeyey oo lagu sameeyey cisbitaalka Masaarida.

Kaadi heesta, saxaro mareenka iyo sinta ayaa ugu daran, waxaana haatan loo diyaarinayaa qalliin 5-aad oo lagu sameyn doono muddo 15-cesho gudahood, laakiin culeyska ugu weyn waa dhinaca dhaqaalaha.

Qoyskiisa ayaa ah danyar intii ay heysteen ku bixiyay qalliimadii hore iyo qarashkii cisbitaalka, waxayna Soomaalida ka codsadeen in loo soo gurmado.

Calan Qaran, Ku Ciil bax Codkaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*