Sh/dhexe/Hiiraan oo 2-1 uga badiyay Jubbaland

Ciyaartoyda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Sh/dhexe/Hiiraan ayaa ku baratamay kulan aad u xiisa badan oo ka tirsan koobka Fedraalka ee ka socda garoonak Banaadir Stadium ee magaalada Muqdisho.

Labada koox oo ka wada tirsan Group B ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag ay ka heleen taageerayaashii u soo daawasha tagay, waxaana adkaaday xulkii matalayay Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Kaambiyadii hore ee ciyaarta waxaa 2-gool helay naadigii matalayay Sh/dhexe iyo Hiiraan waxaana u kala saxiixay xidigaha Maxamed Xaamud Axmed iyo weeraryahanka Xasan Kaafi.

Qeybtii labaad waxaa gool nasiib ah helay naadigii Jubbaland, waxaana shabaqa Sh/dhexe iyo Hiiraan ku hubsaday xidigga Maxamed Xaamud oo iska dhaliyay goolka maadaama uu u ciyaaro naadiga Sh/dh/Hiiraan.

Birri waxaa is arki doona kooxaha Koofur Galbeed iyo Puntland oo ka wada tirsan Group A, waxaana isku group ah Puntland, Koofur Galbeed iyo Banaadir, halka Jubbaland, Hiiraan/Sh/dhexe iyo Galmudug isku group yihiin.

13689399_1073569206065602_1671245687_n 13689527_1073572452731944_1467442619_n 13689555_1073569779398878_1808020839_n 13689760_1073572446065278_369501604_n 13689794_1073570179398838_1306676964_n 13694999_1073570769398779_1297937261_n 13695756_1073572449398611_1167839710_n   13706187_1073571272732062_1560354185_n  13713299_1073571282732061_851306351_n 13713324_1073571276065395_1842568677_n 13713426_1073569776065545_42227492_n 13734689_1073570776065445_1451905195_n 13734733_1073572462731943_17374584_n 13735404_1073570779398778_1815741965_n IMG_0007 IMG_9619 IMG_9621 IMG_9631 IMG_9637

Shakra Hussein, Calan Qaran

Ku Ciil bax Codkaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*