U Hiilli Hooyo Salaado (Xaqiiqda dhabta ah ee nolosheeda)

U hiilli hooyo Salaado, ku daawo qalbi naxariis badan, u docee oo ilaahay u bari inuu caafimaadkeedi u soo celiyo kana dulqaado xanuunkan.

Hadii aadan awoodin inaad jeebkaaga wax ka siiso faldna haka bakheylin inaad share gareyso faafiso muuqaalkeeda si walaal kale oo wax heysta u caawiyo.
waxay degantahay meel gees uga baxsan Muqdisho, waxay heysataa 7-carruur agoon ah, waxaa labadii sano ee u dambeeyey la tacaalayay qoyskeeda oo ugu dambeyn loo sheegay inaan dalka waxba looga qaban karin.
Waxaa dhaqaatiirtu isku raaceen inuu hayo xanuunka kansarka.
ha is dhihin xanuunkaas waa loo dhintaa qadarta ayaa loo dhintaa xanuunkan in lala tacaalo oo dawo dibadda ah loo helo waa muhiim.
u hiilli hooyo Salaado (ugu hiilli codkaaga ha yareysan hal dollar waxbey u qaban kartaa, waxay ku nooshahay nolol adag waliba iyadoo xanuunsan)
Calan Qaran oo ah warbaahin wadani ah ayaa u istaagtay inay hooyo Salaado u hiilliso, ku ciil bax codkaaga oo caawi dhibanaha walaalka ah.
Waxaan idiin soo gudbineynaa warqadihii iyo documents-kii cisbitaalllada lagu geeyey iyo jawaabihii dhaqaatiirta. (HOOS KA AKHRISO)
Sanadkii 2015, waxaa la geeyey cisbitaalka Daarul Shifa, baaris kadib waxaa loo gudbiyay cisbitaalka Ex-Jubbaland Clinic, dawooyin laba bilood loo qoray waxba kumey dheefin waxaana lagu dayay dadaal kale.
Cisbitaalka Kaamil ayaa la dhigay waxaa leysku dayay in la daweeyo waxaaase la sheegay inuu hayo cudurka Kansarka.
Familka hooyo Salaado waaga ayaa ku baryay waxay ogaadeen in xanuunkan halis gelin karo nolosheeda, waxay la xiriireen cisbitaallo uu ka mid yahay Kalkaal oo raja badan galiyay qoyskan laakiin ugu dambeyn waxaa la geeyey cisbitaalka City Muqdisho oo sheegay in xanuunkeeda aan dalka waxba looga qaban karin.
Waa hooyo, waa waalid waa beer wax dhalay, ka soo qaad hooyadaa oo kale maxaad sameyn laheyd, carruur yaryar oo la mid ah kuwa kula dhashay ayay heysataa, ka fikir waxbarashadooda, caafimaadkooda iyo mustaqbalkooda.
Xaqa hooyada ma’ahan mid sahlan mana fududa
Walaalayaal U hiilliya Hooyo Salaado, oo share oo faafi muuqaalkeeda, hadii aadan wax siin karin fadlan walaalaha kale u gudbi.
Qof kastoo caawinaya wuxuu toos ula xiriir karaa qoyska Hooyo Salaado, Calan Qaran wuxuu idiin soo gudbin doonaa hadba meesha gurmadku uu marayo.

Halkan Hoose ka akhriso Documents-ka dhaqaatiirta oo daawo Muuqaalkan

img035 img036 img037 img038 img039 img040 img041 img042 img043 img044 img045 img046 img047 img048 img049 img050 img051 img052 img053 img054 img055 img057 img058

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*